SHEEKADA JIIRKA

SHEEKADA JIIRKA

Beri baa waxaa jiray Jiir badan . Maalin maalmaha ka mid ah ayey isa soo raacey markaas ayey yimaadeen guri Bisado  leeyihiin oo aad u qurux badan, ayna yaalaan bootaro midabo badan leh. Mid ka mid ah Jiirkii ayaa marsadey midab dahabi ah, dabadeedna wuxuu isku eegay (fiiriyey) muraayad guriga u dhextiil Bisadaha.  Jiirkii aad  ayuu isula dhacay oo isku maleeyey in uu dahab ka kooban yahay.  Jiirkii kale ayaa arkay Bisadihii oo soo socda, oo intay ugaadhsi tageen soo hungoobay. Jiirkii badnaa waxay u digeen saaxiibkood oo ay ku yidhaahdeen, “waar inaga keen meesha Bisadihii waa kuwane.”  Jiirkii wuu is dhaga tiray oo wuxuu sii watey ciyaartii iyo bood boodkii.  Bisadihii ayaa u soo galey isaga oo muraayadii isku daawanaya.  Si dhib yar inta ay u qabteen ayey cuneen.  Waxayna yidhaahdeen ma maanta ayuu Jiir gurigii noogu soo galey, annaguna duurka ayaan ka

raadinaynay wakhti dheer.  Jiirkii saaxiibadii talada ka qaadan waayey halkaas ayuu ku dhintay.  Maahmaah Soomaliyeed ayaa tidhaa, “talo walaalkii diide, turunturo ma waayo.”

Complete and Continue